Xulufada Sucuudigu Hogaaminayo Oo Ay Ka Dhex Tolatay




Maalintii Afraad ayaa magaalada labaad Cadan ee dalka Yemen ay ku dagaalamayaan xoogag markoodii hore ka wada tirsanaa xulufada Sucuudigu hogaaminayo.

Dagaalyahannada gooni u goosadka reer koonfureedka ayaa sheegaya in ay dhul badan ku qabsadeen dagaaladaa oo ay riixeen kuwo daacad u ah xukuumadda.

Dhanka kale xoogagga fallaagada Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen madaarka magaalada Abha ee koonfurta Sucuudiga.

Xuuthiyiinta ayaa diyaaradaha drones-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha lahayn ku duqeeyey airport-ka magaalada Abha ee kooffurta Sucuudiga.

Af-hayeen u hadlay xoogagga Xuutiyiinta oo la yidhaa Yaxye Sariic ayaa sheegay in weerarkaa ay ku duqeeyeen haamaha shidaalka garoonka iyo goobta laga hago diyaaradaha.

Waxaanu intaa ku darayay in weerarkaasi khalkhaliyey adeeggii garoonka oo ay joogsadeen hawlihiisii.

Ilaa haatan Wax war ahi kama soo bixin xulufada milatari ee Sucuudigu hogaaminayo hase yeeshee, warbaahinta Sucuudiga qaarkeed ayaa ku waramaysa in hawlaha garoonku si caadi ah ay u socdaan.

Dhinaca kale shacabka ku nool magaalada Cadan ayaa ka cabanaya biya la’aan iyo cunna yari soo food saartay.

Dadka qaar ayaa waxay sheegayaan iney ku qasbanaadeen iney biya ka cabaan marawaaxaadaha hawada dhaliya biyaha ka dhibca.

Magaalada Koonfureed ee cadan ayaa caasimad ku meel gaar ah u ah dowladda Yemen, iyada oo ammaanka magaalada uu yahay mid liita.

Dagaalladi ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Cadan ayaa dhex maray dhinacya iska soo horjeeda oo dowladda wada taageersan.

Mid ka mid ah kooxaha ku dagaallamay magaalada ayaa si weyn gacan uga hela Imaaraadka carabta, halka kooxda kalana ay dowladda Yemen garabsato oo Sacuudi Carabiyana dhaqaala ku taakuleeyo.

Dagaallada sanadaha badan ka taagan dalka Yemen ayaa sababay iney xaaladda dalka Yemen ay wax weyniska beddelin.

Inkasta oo raja wanaagsan laga muujiyey heshiisyada ka dhex billaawday xoogagga dowladda iyo fallaagada Xuuthiyiinta.