Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo U Socdaalay Dalka Columbia + [ Ujeedada Safarkiisa ]




Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa u socdaalaya magaalada Cucuta ee xuduuda Colmbia Axadda maanta ah halkaasoo uu kula kulmi doono qaxootiga u dhashey dalka Venezuela.

Cucuta ayaa waxaa ku nool qaxooti badan oo reer Venezula ah oo kasoo cararaye rabshado iyo macluul ka jirta dalkooda.

Pompeo ayaa dhowr jeer tagey dalalka koofurta America si uu taageero ugu helo go’aanka madaxweynaha Mareykanka ee ka dhanka madaxweynaha Vinezulla Nicolas Maduro.

Mike Pombeo ayaa sabtidii dalka Peru kula kulmay madaxweynaha dalkaasi Martin Vizcarra iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Nestor Popolizo waxuuna ku aamaaney dadka Peru sida uu u marti galiyey toddobo boqol iyo konton kun oo ah qaxootiga oo kasoo cararey dalka Venezulla.