Xildhibaanno Ka Tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka Oo Ugu Baaqay Joe Biden In Uu Xidhiidh La Yeesho Somaliland




Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka, gaar ahaan guddida arrimaha Dibedda ee dalkaas, ayaa ugu baaqay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Joe biden in Xukuumaddu xildhiidh iyo macaamil ka yeelato Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay xuseen in ay ku taalo goob muhiim ah.

Xildhibaannada waxa kale oo u soo jeediyeen Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka inuu Mareykanku Somaliland la sameeyo xidhiidh dublamaasiyaaddeed iyo mid dhaqaaleba.