Miisaniyadda Ciidanka ee sanadkan 2017.
4. TOBABARADA CIIDANKA BOOLISKA.
Tobabaradii ugu badnaa ee ay helaan ciidanka booliska Somaliland, Tobabaradaas oo isugu
jira kuwa ciidan-nimo mid Aqoon korodhsi Waxa ay Ciidanka Booliska heleen Mudadii uu
xilka hayay Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN,Tana waxa tusaale cad u ah Dufcadihii
kala duwaan ee labadii(2) sano ee u danbeeyay ka soo kala baxay Dugsiyada Tobabarka
Ciidanka Booliska.
5. KORODHKA DHALINYARADA CIIDANKA BOOLISKA.
Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN Waxa uu ku Guulaystay in uu kordhiyo Tirada
dhalinyarada ah ee ka mid ah Ciidanka Booliska kuwaas oo kumanan kor u dhaafaya kana
hawl-gala dhamaan Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska taas oo ay u Fududaysay ku
xidhnaanshihiisa Qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Waxa aan hadalkaga ku soo gabagabanaynaya halku dhigayga
Qabo ama ii qir
Qof wuxuu qabtaaba qaran dhami ku faanaa
Dambiilaha aan qabanee dacalada ka joogsada
Hadii lasysku fiirsado hungaa lagu danbeeyaa
ALLA MAHADLEH
W/Q: Ahmed Hussein Abdi (Xato)
axmedxato22@gmail.com
TEL.657777665
TEL.634002356