Taliye Uu Xilka Ka Qaaday Dani Oo Uu Farmaajo Xil Sare U Magacaabay




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taliyaha ciidanka lugta ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya u magacaabay Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Cabdixamiid waxaa dhawaan xilkii taliyaha booliska Nugaal ka qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Maxamed Dani.

Wuxuu horey u ahaa taliyihii ciidammada la dagaalanka argagixisada ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka u magacaabay Maxamed Cali Bariise .