Somaliya : Xiliga La Soo Magacaabayo Taliyaha Hay’adda NISA Oo La Shaaciyey




Moqdisho (Ilays-News):- Wasiirka Wasaarradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw [Ducaale] oo shalay hortagay Golaha Shacabka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo magacaabayo taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka.

Hay’addan ayaa ku dhawaad 7 bilood wax taliye ah laheyn kaddib markii uu xilka iska casilay Xusseen Cismaan Xusseen oo xiligaa ku biiray musharixiintii u taagneyd xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa hadalka ka dhax sheegay Golaha kaddib markii la weydiiyay su’aal la xiriirta sababta ilaa waqtigaa hay’adda Nabad-sugida aysan u laheyn wax taliye ah.

Waxaa hadda jooga oo ku sime ka sii ah Fahad Yaasiin oo dhinaca kalana ah ku-xigeenka taliyaha hay’adda Nabad-sugida.