Somaliya : Maxkamada Gobalka Banaadir Oo Xukun Ku Ridey Wariye Gurbiye .




Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun lix bilood oo xarig ah ku riday suxufiga la yiraahdo Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha warbaahinta maxaliga ah ee Goobjoog.

Garoosaraha ayaa sheegay in xukunka weriyaha loo cuskaday qodobka 328 oo ah faafinta war been abuur ah.

Dacwadda loo haystay suxufigan ayaa soo socotay labadii bilood ee ugu dambeysay iyadoo xeer ilaalinta kiiska soo oogtay ay sheegaysay in suxufigu bartiisa gaarka ah ee Facebook uu ku daabacy warrar been abuur ah.

Cabdicasiis Gurbiye waa tafatirada warbaahinta Goobjoog ee Soomaaliya ka howlgasha.

Lacagta lagu ganaaxay ayaa gaareysa 5.000,000 oo shilin Soomaali ah, una dhiganta $208.3USD. Waxaa lagu eedeeyay inuu warar been ah ku qoray Facebook.

Qareennada u doodaya Gurbiye waxay sheegeen in go’anka maxkamadda lagu saleeyay xeer aan xilligan shaqeynin.