Siyaasadda Maraykanka Ee Afrika Kama Maaranto Somaliland




Hargeysa (Ilays-News):- Michael Rubin, oo ah aqoonyahan Maraykan ah oo madax ka ah machadka American Enterprise Institutute dhawaana socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay inay la shaqayso Somaliland.

Michael Rubin, oo laba toddobaad gudahood maqaalkiisii labaad ee uu Somaliland ku taageerayo baahiyay, ayaa wuxuu toddobaadkan qoray maqaal ciwaankiisu yahay “Siyaasadda Maraykanka ee Afrika kama maaranto Somaliland.”

Wuxuu Rubin, Madaxweyne Trump hogo tusaaleeyay inay muhiim tahay in Maraykanku si dhow ula shaqeeyo Somaliland oo uu ka furto xafiis caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Qoraalka oo aad u dheeraa, wuxuu Geeska Afrika gaar u soo turjumay qaybta uu kaga hadlayo aqoonyahanku qaddiyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Halka ay Somaliya lugaha la gashay dagaal sokeeye 1991kii, Somaliland oo uu xukunkii argagaxaa ku dhisnaa ee keligii taliye Siad Barre burburiyay, waxaay ku dhawaaqday madaxbanaani. Doodeedu waxaay ahayd mid adag: waagii gumaystaha waxaay ahayd maxmiyad Ingiriis oo ka duwan Somaliya, lehna xuduudo caalamku aqoonsan yahay. Dhamaan shanta dal ee ku jira Golaha Amaanku way aqoonsadeen xorriyadeedii 1960. Dadka reer Somaliland waxay qabaan in midnimadii ka danbaysay ay ahayd mid ay si ikhtiyaarkooda ah u galeen, si taas la mid ah ay uga baxeen [midnimada] markii Somaliya afka saartay qas iyo jaah wareer.

Dadka gobolkan degani waxaay tilmaameen in mucaaradada Wasaaradda Arimaha Debedda [ee Maraykanka] ee ay kaga soo horjeedo is bedel ku yimaada xuduudaha inay tahay mid aan sal adag ku fadhiyin sabata oo ah Washington, Midawga Afrika iyo bulshada caalamka guud ahaan waxaay aqoonsadeen Suudaanta Koonfureed iyo Eretriya. Xaqiiqdu waxaay tahay labadaas dal midkoodna guul maaha, balse Somaliland waxaay waa horeba cadaysay inay tahay guul. Maanta Somaliland waa 28% dhulka Somalia, iyo sadex meelood oo meel dadka Somalia. Si ka duwan Somalia, Somaliland way ka hor-istaagtay Al-Shabaab inay soo gasho dhulkeeda. Hargeysa oo ah caasimadda, waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu nabadgelyada  badan Afrika. Somaliland waxay qabatay doorashooyin lagu baratamay oo lagu ilaaliyay nidaamka casriga ah ee isha bu’da laga sawiro, waxaayna ku guulaysatay in shan jeer si nabad ah awoodda ay isugu dhiibaan tartamayaal iska soo horjeeda. Iyada oo Somaliland ay leedahay lacag u gaar ah, hadana dhaqaaleheedu wuxuu u sii koraya oo uu sii noqonaya mid aan lagu isticmaalin kaash: hal abuur maxalli ah iyo aaladda telefoonada mobaylka ah oo sida daadka u soo galay ayaa u ogolaaday xitaa shacabkeeda reer miyiga ah inay si fudud ugu ganacsadaan lacagta dhigitilka ah iyaga oo isticmaalaya mobayladooda. Dadka Maraykanka ahi waxa laga yaaba inay weli ka fekerayaan “Black Hawk Down” marka ay ka fekeraan Somaliya, balse Somaliland waxaay noqotay Sweden iyo Estonia marka aad eegtid isticmaalkeeda hal abuurka elektrooniga ah.

Dhabtii, Somaliland wax walba sida saxda ah ayay u samaysay. Dabadeed, muxuu Maraykanku iskaga indho tirayaa? Xilli hoos loo dhigay miisaaniyadii, Wasaaradda Arimaha Debeddu waxaay diiday inay xitaa xafiis ka furato Hargeysa si la mid ah ka ay ku leedahay Kurdistaanta Ciraaq iyo Taywaan. Pentagon-ku [Wasaradda Gaashaandigga] dhinicisa wax xidhiidh ah lama laha dhigiisa Somaliland inkasta oo hawlgalada labada dhinac ee ka dhanka ah argagixisada iyo dagaalka Yemen ay kor u qaadayaan muhiimadda istiraajiyadeed ee Somaliland.

Dhibta jirta waa sidan: awoodda ay Somaliland u leedahay inay ka hortagto xagjirka iyo argagixisad la ollogga ah Al Qaacida laga yaabee inaanay dhamaan. Somaliland waxay ku qarashgaraysaa saddex meelood oo meel miisaaniyadeeda dhinaca amniga, balse Somaliya waxaay diidan tahay in deeqaha caalamiga ah ee soo dhexmara Muqdisho la gaadhsiiyo [Somaliland]. Xaaladdu markaas waa mid daran oo keentay in ciidanka Somaliland iyo ilaalada xeebaha marka la qoranayo inay soo iibsadaan qoryohooda si ay u ilaaliyaan, nabadna uga dhigaan xeeb dhererkeedu yahay 460 Mayl, oo ay uga hortagaan in hub sharci darro ah la geliyo Yemen, una joojiyaan in Al-Shabaab ay gasho dhulkeeda balaadhan ee miyiga ah. Halka Qaramada Midoobay ay ka fudaydiyeen cunaqabatayntii hubka ee Somalia saarnayd si ciidanka nabad ilaalinta Afrika ay uga hawlgalaan, loona siiyo ciidanka Somaliya hub (kuwaas oo inta badan ka iibiya hubka xagjirka si ay xoogaa kaash ah u helana), waxaay [Qaramada Midoobay] ku sii haysaa Somaliland cunaqabatayntii hubka oo ah marka horeba mid ka dhalaatay xaaladda ay Somaliya ku shugnayd soddon sandood ka hor.

Trump iyo la taliyihisa amniga, John Bolton, way ku saxan yihiin inay su’aal geliyaan deeqaha debedda. Maalgelinta bandhig lagu qabto Bulgaria ama siminaar faneed oo lagu qabto Badhtamaha Ameerika waxtar xadidan ayay leedahay. Balse halkii milyan ee doolar ee lagu maalgeliyo amniga Somaliland wuxuu u babac dhigi karaa baahi difaac isaga oo kor u qaadya qiimo ka badan ka la geliyay. Somaliland ma raadinayso taangiyo iyo diyaarado dagaal oo casri ah, balse waxaay doonaysaa hub fudud iyo doomo badda lagu ilaaaliyo. Rabitaanka gobolkani ku doonayo inuu ku maalgeliyo difaac in ka badan 15 jeer inta isbayhisga Maraykanka ee NATO ay geliyaan difaaca waxaay tusaysaa ka go’naansheheeda iyo inanay ahayn uun mid raadinaysa in laga kaabo waxay iyadu iskeed ugu guulaysan karto.

Dawladda Somaliya way ka caban kartaa, balse maaha in Washington ay jilbaha u dhigato Muqdisho. Haddii uu Trump si dhab ah u doonayo inuu soo af-jaro dagaalada aan dhamaadka lahayn iyo farogelinta Maraykan ee debedda, markan waa inuu aqbalaa ee aanu iska indho tirin is-bahaysigiisa, xoojiyaa [dalalka] dimoqraadiga ah islamarkaana aqoonsadaa in xitaa markii uu ugu heer sarayeeyey, inaan Maraykan marna keligii socon.”