Shirkadda Twitter Oo Qarisay Qoraal Uu Barta Soo Dhigay Trump




Shirkadda ayaa qarisay qoraallo uu bataas soo dhigay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Shirkadda baraha bulshada ee Twitter ayaa ku eedeeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu horseedayay kicinta rabshado xilli uu qoraal soo dhigay bartaas, madaxweynaha wuxuu ka hadlayay dibadbaxyada ka socda magaalada Minnepolis ee looga soo horjeeda dilkii ninka madowga ahaa ee loogu geystay halkaas.

Twitter wuxuu qoraallada ku baddashay digniin ah in aanan la aqrin karin.

Arrintani ayaa noqoneysaa dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmara shirkadda Twitter iyo aqalka cad.

Trump wuxuu ku eedeeyay koox tuugo ah inay dab qabadsiiyeen saldhig boolis oo ku yaalla Minneapolis. Wuxuuna ka digay in markii ay bilowdeen falalka dhaca ah ay sidoo kale bilaabatay rasaasta .

Shirkadda Twitter waxay sheegtay in qoraalka Trump uu soo dhigay halkaas uu jebinayay shuruucdeeda isla markaana ay meesha ka saartay si aanan loo akhrin