Shirkadda SOMTEL l Oo keenaysa Somaliland Internetkii Badda Soo Marayey [Optical fiber cable]




Hargeysa (Ilays-News):- Shirkadda Somtel oo kaashanaysa shirkadda isgaadhsiinta dalka Jabuuti ayaa keenaysa dalka somaliland adeegga Internetka ee xadhiga badda soo dhex-mara (optical fiber cable).

Sidoo kale Cabdirashiid Ducaale maamulaha Dahabshiil iyo Somtel ayaa yidhi wuxuu noqon doonaa adeeggan kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee badda soo dhex-mara kaasi oo isku xidha Muqdisho iyo dunida inteeda kale

Ilaysnews/Hargeysa Office