Shirkada Dahabshiil Oo Adeegyo Cusub Ku Soo Bandhigtay Carwada Tiknoolajiyada Somaliland + [ Sawiro / Muuqaal ]




Hargeysa  (Ilays-News):- Shirkadada Dahabshiil Group   oo ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn ee dalka  ayaa waxaa ay qeyb weyn ka aheyd shirweyne lagaga hadlaayey Tiknoolajiyada casriga ah  oo maanta  ka furmay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Shirkada ayaa halkaasi waxaa ay ku soo bandhigay adeegyo cusub oo ay soo kordhisay .

Waxaana ugu horeyn madasha ka Hadley madaxa waaxda Hawl Galinta ee Shirkada SOMTEL  Xassan Sheekh Maxamuud Suufi  waxaana uu yidhi

“ Runtii shirkad ahaan waxaanu 2011-kii  markii ugu horeysay dalka aanu ka hir galinay adeega 3G , 2014-kiina adeega 4G-ga  , iminkana waxaanu ku rajo weynahay in aanu ku soo kordhinyo adeega 5G  , taas oo wadanka guud ahaantii sumcad weyn u sameyn doonta .

Ka shirkad ahaan maanta waxaanu halkan ku soo bandhigi doonaa Barnaamijyo kala duwan  oo ay ka mid yahiin adeeg-yadii shirkada iyo kuwo kale oo cusub oo ay maanta ugu mihiinsan adeeg  kuu sahlayaa in adiga oo aduunka meel kasta ka jooga aad maamusho    xafiis-kaaga iyo ganacsigaaga , sidoo kale waxaa madasha ku diyaar ah adeeg-yadii kale ee shirkadu qaban jirtay hadii ay noqoto E-Dahab iyo Interner-kii “ ayuu yidhi Xassan Sheekh Maxamuud Suufi .

Geesta Kale   Madasha isna waxaa ka Hadley Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo  ah madaxa Waaxda arimaha Bulshada ee shirkada SOMTEL   waxaana uu si faah faahsan uga war bixiyey adeegyo cusub oo ay shirkadu daah furtay  waxaana uu yidhi

“ Waxaan aan jecelahay in aan bulshada halkan ugu soo bandhigo dhawr adeeg oo kala duwan  oo  shirka SOMTEL ay ku soo bandhigtay carwadan  waxaana edeeg-yadaas ka mid ah adeeg aad iyo aad u casri ah  oo ah adeeg la yidhaahdo “ REACHME “   waana adeeg aanu ugu talo galnay macaamiisha kala duwan  ee gudaha joogta iyo  ehelada iyo asxaabtooda dibada joogta in uu isku xidho  , waana adeeg fudud oo si lacag la,aan ah  oo aan odhan karo waa iska bilaash oo kale ay  macaamiishu ula soo hadali karaan eheladooda dalka joogta .

Adeegani  waa Application aad galeyso Internet-ka  adiga oo kala soo degaya App Store-ka  waxaana aad ku isticmaali kartaa  Mobile-kaaga iyo Laptop kaaga-ba  , waxaana uu adeegaasi ku xisaabin doona lacag  yar oo aad  u jaban  , qofka aad soo waceyso  waxaa looga baahan yahay oo kaliya in uu sito khaadh-ka SOMTEL , umana baahna qofkaasi Internet iyo Mobile weyn oo casri ah , qofka dibada jooga oo  kaliya ayaa ah qofka la soo degi doona App-kan isla markaana awoodi doona in uu la soo hadalo dhamaan cid kasta oo uu doonaayo oo sidata  kaadhka SOMTEL  , waxaana aanu jeclnahnahay in ay adeegaas ka faa,ideystaan dadka qurbo jooga ah “ ayuu yidhi

Sidoo kale Khadar oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu  dul istaago adeegyo  kale oo shirkada SOMTEL soo bandhigtay waxana uu yidhi

“  Shirkadu waxaa ay macaamiisha ay u sameysay qiimo dhimis ilaa boqolkiiba shan iyo labaatan ah 25 %  , dhinaca adeega 4G- ga marka ay macaamiishu iibsaneyso  , waxaana aanu macaamiisha ugu bushaareynayaa ugu baaqeynayaa  in ay ka faa’ideystaan inta ay carwadani socoto .

Waxaanu sidoo kale macaamiisha aanu  la wadeynaa in aanu soo kordhinay adeeg cusub  oo ku siinaya Internet aan  xadi laheyn  , kaas oo aad qiimo yar bixin doonto  isla markaana aad isticmaali doonto bishan oo dhan  “ ayuu yidhi

Ugu Danbeyn Muddane Khadar waxuu is dul taagay doorkii ay shirkadu  ka ciyaartey carwadan

“ Shirkad ahaan waxaanu carwadan ka qaadaneynay qeyb aad u laxaad weyn  hadii ay noqoto dhinaca LIVE-ka   iyo Interne-ka WI- FI  ee meesha lagu isticmalaayey “ ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey .

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan