Moqdisho (Ilasy-News):- Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo oo ka mid ah xubnaha u tartamaya hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa ka dhawaajiyay inuu aqbali doono natiijada kasoo baxda doorashada lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo 17-ka bishan.
Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in haddii laga guuleysto uu soo dhaweynayo musharraxa xilka kusoo baxa, wuxuuna meesha ka saaray inuu natiijo walba oo soo baxda uu ka hor-imaanayo.
“Haddii aanan ku guuleysan waayo Hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed, oo uu yimaado mid danta deegaanka iyo diinta wada, waan garab is-taagi doonaa, ma dhihi doono Yaasiin aan aniga ku jirin Aqbal ma ahan,” ayuu yidhi Mukhtaar Roobow.
Ilaysnews/Moqdisho Desk