Sayidka Barakaysan Oo Lagu Xidhay Hargeysa




Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Jilaaga caanka ah ee Idiris Ilig oo loo yaqaan Sayidka Barakaysan.

Ma jiro illaa hadda cid caddaysay sababta xadhigiisa balse wararka qaar ayaa sheegaya in loo haysto riwaayad uu soo bandhigay oo Madaxweyne Muuse Biixi ka cadhaysiisay.