Sababtii Kylian Mbappe & Adrien Rabiot Kursiga Keydka Loo Dhigay Kulankii Ay PSG Guusha Ka Gaartay Marsielle?




Labada ciyaartoy ee Kylian Mbappe iyo Adrien Rabiot ayaan xalay lagu soo bilaabi kulankii ay Paris Saint Germain guusha ka gaartay Marsielle, kulanka wuxuu ahaa mid muhiim ah balse tababare Thomas Tunchel ayaa go’aansaday inuu labadaba kursiga keydka uga tago.

Go’aanka wuxuu noqday mid layaab ku noqda qof walba maadaama ay labda xiddigba muhiim u yahiin shaxda macalinka, Thomas ayaana saxaafadda u xaqiijiyay sababta keentay inuu labadiisa xiddig kursiga keydka dhigo.

Xiddiga ku guuleystay koobka Adduunka [Mbappe] iyo wiilka laga reebay qaranka France [Rabiot] ayaa isku dhacay intii ay ciyaartoyda ku sugnaayeen hotel-ka ka hor kulankii xalay ee Marsielle, waana sababta ay kursiga keydka uga soo muuqdeen.

Labada ciyaartoy qeybta dambe ayey soo galeen, Kylian Mbappe ayaana dhaliyay goolka 1-aad ee PSG, halka goolka labaad uu shabaqa soo taabsiiyay Julian Draxler.

Paris Saint Germain mudooyinkii dambe waxey hoy u aheyd ciyaartoyda aan akhlaaqda wanaagsaneyn ee mar walba dagaalama, bartamahii sanadkii hore ayey aheyd markii Neymar iyo Edinson Cavani ay isku dhaceen.

Markaanna waxaa isku dhacay Kylian Mbappe iyo Adrien Rabiot, waana sababta kursiga loo dhigay xalay sida uu xaqiijiyay macalinka.

“Waa arrin anshaxa la xiriirta oo ka dhacday Hotel-ka ka hor ciyaarta, waana sababta aan u go’aansanay ineysan kusoo bilaaban” ayuu yiri Thomas.

“Waa ceeb sababtoo ah ma jecli inaan ciyaaro la’aanta Kylian iyo Adrien, balse maanta waxey noqotay mid lagama maarmaan ah, kadib wax walba waxey noqdeen kuwa dhamaaday oo wanaagsan”