Raysal Wasaare Khyre Oo Kulan La Qaatay Taliyaha Hawlgalada Gaarka Ah Ee Ciidamada Maraykanka + [ Sawiro ]




Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka Richard Clark ayaa magaaalada Muqdisho kula kulmay Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa qoraal kooban oo uu ka sameeyay Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya lagu sheegay in looga wada hadlay dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.

“Sidii AL-shabaab looga saari lahaa dhulalka ay ka maamulaan Soomaaliya, Mareykankuna waa uu nagu taageeray, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay iskaashigeenna amaanka, howlgallada isku dhafka ah, dib u habeynta Ciiidanka amaanka Soomaaliya” ayaa lagu yidhi  qoraalka.

Taliyaha Holwgallada gaarka ah ee Mareykanka ayaa waxaa uu Magaalada Nairobi Jimcihii kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Kenya,iyo Taliyaha Ciidanka difaaca dalkaas.

Dowladda Kenya ayaa taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka kala hadashay in Mareykanku ogolaado in Al-shabaab lagu daro qodobka 1267 ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Dhowr bilood ka hor Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo jeedinta Kenya diiday,waxaana waddamada ka hor yimid ka mid ah Soomaaliya, Mareykanka, UK iyo kuwo kale.

Qodobka 1267 ayaa ogolaanaya in ururrada halkaas la geliyo degaannada ay ku suganyihiin laga fulin karo weerarro aan loo tureyn rayidka ku nool, sidoo kale lama gaarsiin karo wax gargaar ah,waxaana loo arkayaa hay’adda ku dhaqaaqda in ay taageerto Argagixisada.

Lama oga in Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Taliyaha Mareykanka ka socda kala hadlay rabitaanka Kenya ee ay ku dooneyso in AL-shabaab lagu daro qodobkan 1267 ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey