Raysal Wasaare Khayre Oo Xilkii Laga Qaadey




Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhoweyd soo xidhay kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday ra’iisul wasaraaha Somalia, Xasan Cali Khayre.

Mursal oo hadlay kadib buuq hareeyey kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay inay xukuumadda kalsoonida kala noqddeen illaa 170 mudane, ayna diideen siddeed xildhibaan, isaga oo tilmaamay in aysan jirin cid ka aamustay.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, si loo dardar-geliyo howlgaha lagau sugayo xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu goobta uga dhawaaqay guddoomiye Mursal magacyada xildhibaanada maanta sameeyey buuqa, kuwaas oo kala ah:- wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Aadan Isxaaq, Xildhibaan Dhuxulow, ildhibaan Xuseen Iidow, iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiid Ismaan Daallo, sida uu kulanka ka hor sheegay guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale ku eedeeyey xukuumadda inay fashilantay, doorashooyinka ee 2020/2021, maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka dastuurka

Sida ay horey u baahisay Caasimada Online waxaa mooshinkan sida deg-dega ah loogu riday xukuumadda gadaal ka riixayey guddoonka baarlamaanka iyo madaxtooyada Soomaaliya.