Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Dhuusamareeb




Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la filayaa inuu gaadho magaalada Dhuusamareeb oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen madaxda maamul goboleedyada isla markaana kaga arinsanayeen doorashada soo socota.

Wararka ayaa sidookale sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu isna ka daba tegi doono ra’iisal wasaaraha.

Shirka Dhuusamaree waxaa kasoo baxay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay sidii wadatashiga loo ballaarin lahaa, madaxda dowladda federaalkana waxay ugu baaqeen inay Dhuusamareeb yimadaan.