Qaramadda Midoobay Iyo Puntland Oo Ka Wadda Hadlay Xaaladda Tukaraq + [ Muuqaal ]




Garoowe (Ilays-News):- Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxtooyada Puntland ku qaabilay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom kaas oo gaadhay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Kulanka dhexmaray madaxweyne Gaas iyo Nicholas Haysom ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in looga hadlay sidii loo dajin lahaa xiisad dagaal ee u dhexeysa Puntland iyo Somaliland kuwaasoo weli isku haya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

Ilaysnews/Garoowe Desk