Mulkiilihii Kooxda Leicester City Ee Ka Dhisan Dalka Britain Oo Geeriyooday




London (Ilays-News):- Mulkiilihii kooxda Leicester City ayaa geeriyooday ka dib markii ay garoonka kubadda bannaankiisa ku burburtay diyaaraddii qumaatiga u kacasay ee wadday, sida ay kooxdu xaqiijisay.

Vichai Srivaddhanaprabha

 

Vichai Srivaddhanaprabha, labo ka mid ah shaqaalihiisa, duuliyihii iyo qof weheliyay ayaa ku dhintay burburka diyaaradda Sabtidii.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in diyaaraddu ay kontoroolka lumisay waxyar uun ka dib markii ay garoonka waydaaratay ayna dhacday oo dab qabsaday.

Tobannaan kun oo ubaxyo iyo marooyin tacsi ah ayaa la dhigay meeshii uu shilkaasi ka dhacay.

Booliiska Leicester ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in dadka dhintay ay kala yihiin:

Mulkiilihii kooxda Leicester Vichai Srivaddhanaprabha,

Labo ka mid ah shaqaalihiisa oo kala ah Nursara Suknamai iyo Kaveporn Punpare

Duuliye Eric Swaffer  Iyo Izabela Roza Lechowicz oo wehelisay.

Izabela oo UK u soo wareegtay 1997 iyada oo kaga timid dhanka Poland iyo Eric ayaa ahaa duuliyeyaal xirfadleyaal ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Poland ayaa lagu sheegay “in ay aad uga xunyihiin warka soo gaaray ee sheegaya in Izabela ay ku dhimatay masiibadii Leicester.

Safaaraddu waxay intaas ku sii dartay in ay duuliye wanaagsan ahayd, ayna ku guulaysatay tartanka Polka 100. Isla markaasna ay gacan ka gaysatay in Poland ay sawir wanaagsan ku yeelato UK.

Ilaysnews/London Desk