Mujaahid Cabdi Kaydsane Oo Ka Mid Ahaa Raggii Jabiyay Jeelka Mandheera Oo Dhawr Iyo Toban Maalmood Xabsiga Ugu Jira Xukuumadda Madaxweyne Biixi




Mujaahid Cabdi Kaydsane oo kamid ahaa halgamayaashii SNM oo ay Xukuumadda Biixi xidhay 26 bishii ina dhaaftay ee May 2022-ka ayaa weli Xabsiga ku jira, waxaana la sheegay in loo dhaadhiciyey jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Mujaahid Cabdi ayaa la xidhay kaddib markii uu ka hadlay shir ay iskugu yimadeen qaar kamid ahaa halgamayaashii SNM, halkaas oo uu ka jeediyey hadal la xidhiidhay xaaladda dalka, isla markaana uu ku baaqay in loo baahan yahay in dalka lagga bad-baadiyo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin,waxaanu ugu baaqay halgamayaasha SNM inay isu diyaariyaan bad-baadinta dalka markale.

Haddaba Xukuumadda oo sas ka qaaday hadddalkaas ayaa xabsiga dhigtay Mujaahid Cabdi Kaydsane,waxaana la sheegay inuu hadda ku xidhan yahay maalintii 12 aad jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa,kaas oo lagga dayrinayo xaaladiisa.

Mujaahid Cabdi Kaydsane waxa ka mid ahaa raggii uu hoggaaminayay Alle ha u naxarariistee Mujaahid Lixle ee Jabsaday Jeelka Mandheera wakhtigii dawladdii millatariga ahayd ee Siyaad Barre, Halkan hoose ka DAAWO Mujaahid Cabdi Kaydsane oo ka warramay qaabkii ay u jabsadeen jeelka Mandheera