Mid ka mid ah ragga looga shakisanyahay dilkii Jamal Khashogi oo la qabtay





Nin Sucuudi ah oo looga shakisan yahay in uu ku lug lahaa dilkii suxufiga Jamaal Khashoggi ayaa lagu xiray dalka Faransiiska, sida ay xaqiijiyeen booliiska dalkaasi.

Ninkan oo la yidhaahdo Khaled Caayid al-Taybi ayaa Talaadadii shalay lagu xiray gegida dayuuradaha ee Charles-de-Gaulle ee magaalada Paris, isaga oo doonayey in uu halkaas ka dhoofo.