Maxamuud Xaashi Iyo Xirsi Bulshada Somaliland Keebay Rumeysaneysaa ?




Dhawaan ayey aheyd markii hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan uu magaalada Hargeysa ku daah furay buug uu qoray oo uu ugu magic daray Miiga Ilaa Madaxtooyada .

Buugan oo ka kooban in ka badan 400 bog ayaa waxaa uu kaga Hadley arimo kala duwan waxaana qeyb ka mid ah buuga ku taalada xiligii uu ka shaqeynaayey  madaxtooyada .

Hogaamiye Xirsi oo ka hadlaayey wakhtigaas uu madaxtooyada Joogay waxaa uu sheegay in madaxweyne Siilanyo markii uu talada hayey muddo ka yar hal bil uu dareemay in xasuustiisu soo yaaraneyso isla markaana uu go,aansadey in uu iscasilo in kasta oo markii danbe uu ka tanaasulay is casilaada uu go,aansadey

Hadaba Maxamuud Xaasho Cabdi oo labadii sanno ee ugu danbeeyey ahaa wasiirkii madaxtooyada Xirsi-na kaga danbeeyey xafiiska madaxtooyada ayaa ka jawaabey   arinta uu Xirsi sheegay ee  ah in madaxweyne Siilanyo go,aansadey in uu iscasilo isla markaana waxaa uu cadeeyey in arintaas uu Xirsi sheegay in aaney aheyn wax xaqiiq ah

Bulshada Somaliland hada waxaa ay isweydiintu tahay  Labada  Siyaasi  Maxamuud Xaashi iyo Xirsi Cali Xaaji Xassan midka ay run iyo xaqiiq uga baratey ee ay ruumeysan doonto labadooda  hadal ee iska soo hor jeeda

Ilaysnews/Hargeysa Office