Maxaa Sababey In Sh Mukhtaar Roobow Loo Ogaalado Musharaxnimada Koonfur Galbeed ? + [ Akhriso ]




Moqdisho (Ilays-News):- Hogaamiyihii labaad ee Alshabaab, marna ahaan jiray afhayeenka xarakada, Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa lagu dhawaaqay inuu u tartami karo madaxweynenimada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, sida ay ku warramayso idaacad maxalli ah oo ay soo xigatay qaybta warqabadka ee BBC.

“Guddiga doorashooyinka ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu u istaagi karo doorashada madaxweynenimada” ayaa lagu yidhi  warka ay idaacaddu sii deysay.

Barta internetka ee idaacadaas ayaa lagu qoray “guddigu wuxuu soo saaray shuruudaha hordhaca ah ee la  xidhiidha doorashada madaxweynenimada”.

Mukhtaar Roobow, oo si rasmi ah uga baxay xarakada sannadkii 2017, ayaa goor sii horraysay waxaa ka mamnuucay inuu loollan u galo qabashada xafiis dadweyne dawladda dhexe ee federaalka.

Xukuumadda federaalka waxay sheegtay in sababta ay uga mamnuucday inuu tartamo ay tahay mid la  xidhiidhta  xayiraado ka saaran dhinaca beesha caalamka, kuwaasoo aan laga qaadin.

Roobow wuxuu ka mid yahay dhowr iyo toban musharrax oo u taagan inay xilka kula loollamaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, doorasho ka dhici doonta magaalada baydhabo muddo ka yar seddex todobaad.

Ilaysnews/Moqdisho Desk