Maxaa Ka Jira In Toonta Iyo Biyaha Kulul Ay Dawo U Yihiin Coronavirus




Coronavirus ayaa dunida si xawli ah ugu soo baahaya mana jirto dawo illaa iyo hadda loo helay. Nasiib darro se taasi ma aysan joojin talooyinkii caafimaadka, oo isugu jira kuwa aan wax tar lahayn iyo xitaa kuwa kaba sii dareen khartar ah.

Waxaanu eegeynay qaar ka mid ah sheegashooyinka ugu baahsan ee lagu wadaagay baraha bulshada, iyo waxa ka run ah marka la eega seyniska:

1. TOONTA

Qoraallo badan oo ku talinaya cunista toonta, si looga horgato fayraska Korona ayaa lagu wadaagay barta Facebook-ga.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegeysa in inkasto oo ay tahay “cunto caafimaad leh haddana ma jirto caddeyn muujineysa in cunista toonta ay dadka ka ilaalin karto ama ka daweyn karta cudurkan cusub ee covid19.

Inta badan daawooyinka noocan oo kale ah sida toonta ma ahan kuwo waxyeello u leh naftaada, balse mararka qaar khatar badan ayay kuu keeni karaan.

Wargayska The South China Morning Post, ayaa daabacay sheeko ah, haweeney lagu daweeyay cisbitaal oo si daran u bakootay , kadib markii ay cuntay 1.5kg oo Toon ceyriin ah.

Waxaan ognahay, in guud ahaan, cunista miraha iyo khudaarta iyo cabidda biyaha ay u fiicnaan karaan caafimaadkaaga. Si kastaba ha noqotee, ma jiraan wax caddayn ah oo muujinaya in cuntooyin gaar ah ay kaa caawinayaan la dagaallanka fayraska korona.