Mareykanka Oo Xoojinaya Howl-Gallada Soomaaliya + [ Sababta ]




Dowladda Mareykanka ayaa wacad ku martay inay sii xoojineyso howgaladeeda Soomaaliya ee ujeedkoodu yahay nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, iyo sidii looga adkaan lahaa argagixisada.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa hadalkan lagu sheegay ka dib markii shalay ay booqasho ku tageen Muqdisho taliyaha taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa, Gen. Thomas Waldhauser, iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.