Madaxweyne Trump iyo Caruurta Maraykanka ku Dhalata Oo Madaxa Iskula Jirta




USA (Ilays-News):- Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa huriyey dood kulul oo ku aaddan xaqa ay caruurta Maraykanku dhashaa u leeyihiin inay muwaadiniin noqdaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu wareegto madaxweyne ka soo saari doono talaabo uu arrintaas ku joojinayo.

Madaxweynaha ayaa wareysi lala yeeshay ku sheegay in arrintani ay waddada ku soo jirto, ayna dhici doonto.

Ilaysnews/USA Desk