Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Jubaland oo gaadhay Garoowe + [ Sawiro ]




Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo madaxweyanaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa haatan gaadhay magaalada Garoowe ee Puntland si ay uga qeyb galaan aaska halkaas loogu sameynayo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Meydka madaxweynihii hore ee Puntland ayaa maanta laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

.
.
.