Madaxweyne Farmaajo Oo Saaka Moqdisho Ka Dhoofay .




Moqdisho (Ilays-News):- Madaxweynaha Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaweyd  dhoofay Garoonka Aadan Cabdulle, waxayna kusii jeedaan magaalada Addis Ababba.

Madaxweynaha ayaa wada hadallo la yeelanaya isla maantaba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, waxayna kulankooda ku lafo-guri doonaan xoojinta xidhiidhka labada dil iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya

Ilaysnews/Hargeysa Office

Ilaysnews01@Gmail.com