Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhey Magaalada Baladweyn




Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaadhay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, si uu ugu kuur galo xaaladda bini aadamnimo ee ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo howlaha gurmadka ah ee Hay’adaha Dowladdu ay ka wadaan deegaannadaas.