Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandhayn Sameeyay




Madaxweynaha Somaliland ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda u magacaabey Maxamed Cabdillaahi Ducaale, halka Agaasimihii hore ee Wasaaraddaasi Cabdirisaaq Jaamac Naakhuude loo baddalay Wasaaradda Waxbarashada.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor u baddalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Jidadka.

Waxaa xilkii laga qaadey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mubaarik Cabdillaahi Daljir, iyadoo aan cidna lagu baddalin.