Madaxweynaha Puntland Oo Iminka Amar Deg Deg Ah Bixiyey




Garoowe (Ilays-News):- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa marka kore ka tacsiyadeeyey dilka Magalada Boosaaso loogu geystay Suldaan Bashiir Muuse Koonte.

Suldaanka ayaa lagu dhex dilay xilli lagu jiray Salaadii Jimcaha Masjidka Mubaarak oo ku yaalla Xaafada laanta hawada ee Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada Puntland ayaa lagu amray laamaha amniga inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii ka dambeeyey dilka Suldaan Bashiir Muuse Koonte.