Madax-dhaqameed Uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Burco Oo Maanta Kulan Hargeysa Kula Yeeshay Madaxweyne Biixi




Madax-dhaqameed uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco ayaa maanta kulan Hargeysa kula yeeshay madaxweynaha Somaliland.

Weli ma cadda waxyaabaha ay ka wadahadleen laakiin madaxweyne Biixi, ayaa lahaa codsiga Salaadiintu ku tageen madaxtooyada.

Tirada Salaadiinta la kulantay madaxweyne Biixi,ayaa tiradoodu ahayd 12 Suldaan.