Kulankii Trump Iyo Kim John Un Oo Ku Soo Dhamaadey Natiijo La,aan + [ Sababta ]




Vietnam  (Ilays-News):- Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in kulan madaxeedkii uu la lahaa hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu maanta soo dhammaaday, ayada oo aan wax heshiis ah ah lagu gaadhin

Trump ayaa sheegay in lagu kala qeybsamay qaadista cunaqabateynta Mareykanka uu saaray Korea-da Waqooyi.

“Waxay rabeen in cunaqabateynta gebi ahaanteedba la qaado, taasina ma sameyn karin annaga” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha kadib dhammaadkii shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam oo wada-hadallada ay ka dhaceen.

“Diyaar ayey u ahaayeen inay baabi’iyaan qeyb badan oo ka mid ah hubkooda Nukliyeerka, hase yeeshee dhammaan cunaqabateynta ma wadi qaadi karno” ayuu yidhi

Kulamadii maanta la qorsheeyey ayaa dhammaaday ka hor waqtigooda, ayada oo Trump iyo Kim ay ka baaqdeen qado iyo xafladda saxiixa heshiiska ee la qorsheeyey.

Trump ayaa sheegay in wada-hadallada ay ahaayeen kuwa miro-dhal leh, uuna rumeysan yahay in mar ay ahaataba heshiis la gaari doono, hase yeeshee weli lama qorsheyn kulan saddexaad.

Ilaysnews/London Desk

Ilaysnews01@Gmail.com