Kaddib Guushii Real Madrid, Lionel Messi Oo Casuumad U Sameeyey Luis Suarez




Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa casuumad u sameeyey laacibka ay Barcelona u wada ciyaaraan ee Luis Suarez oo xalay saddexley goolal ah ka dhaliyey Real Madrid.

Lionel Messi oo dusha sare fadhiyey ciyaartan maadaama uu dhaawac kaga maqnaa ayaa waxa uu goob joog u noqday xiddigaha naadigiisa oo sida carruurta ula ciyaaraya Real Madrid oo la moodayey in aanay uba soo diyaargaroobin kulankan iyo weliba in ciyaartooyada sida Toni Kroos, Modric, Gareth Bale iyo Benzema ay tababar maalaayacni ah ku jiraan, haka Sergio Ramos iyo Nacho ay ahaayeen kuwo quudinaya oo kubadda siinaya weeraryahannada Barcelona sida Suarez.

Laacibka reer Brazil ee Marcelo oo ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan Real Madrid qaybtii dambena culays saaray, goolna dhaliyey iyo Raphael Varane ayaa dhaawac lagaga saaray ciyaarta oo aakhirkii ku dhamaatay 5-1 ay si bahdilaad ah Real Madrid kaga baxday garoonka.

Intii aanay ciyaartu dhamaanin, Lionel Messi oo dhoola-caddaynaya marna u sacabo tumaya ciyaartooyda kooxdiisa marka ay gool dhaliyaan ayaa shaashadaha kasoo muuqday, waxaana markii ay dhamaatay uu cusuumad u sameeyey halyeygii ciyaarta oo ahaa Luis Suarez oo saddexley dhaliyey.

Messi ayaa bartiisa bulshada ee Instagram waxa uu soo dhigay farriin kooban iyo hal sawir oo ay sharaab wada cabbayaan Suarez, waxaana uu soo raaciyey qoraal kooban oo uu ku sheegay inuu xiddiga reer Uruguay kula dabbaal-degayo goolashii saddexda ahaa ee uu dhaliyey.

“Waxaanu u dabbaal-degaynaa guusha iyo saddexleyda !!! Hamblayo dhamaantiin” ayuu Messi soo qoray

Si kastaba ha ahaatee, waxay dad badan is weydiinayaan sida ay ciyaartu noqon lahayd haddii uu caafimaad qabi lahaa Lionel Messi oo uu ciyaari lahaa, waxaana qof walba uu sii qiyaasayaa in goolal rikoodh jebis ah loo xambaarin lahaa Real Madrid