Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin sare oo ka socday Ururrada Bulshada ee Somaliland




Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo xisbiga ah ayaa maanta Xarunta Xisbiga kulan kula qaatay masuuliyiin sare oo ka socday Ururrada Bulshada ee Somaliland ka jira.Kulanka ayaa lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland ee Madaxtooyada iyo Golaha Guurtida ee sanadka 2022 qorshaysan in ay qabsoomaan. Ururrada Bulshada ayaa muujiyay in ay danaynayaan sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha doorashooyinka si ay u noqdaan kuwo wakhtigooda ku qabsooma, halka Madaxda Xisbiga WADDANI u bandhiggeen in ay diyaar u yihiin doorashooyinka iyo xoojinta wada shaqaynta daneeyeyaasha doorashooyinka.