Guddomiye Ciro Oo Cisbitalka Ku Booqdey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland




Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa caawa fiidkii cisbitalka International ee magaalada Hargeysa ku booqdey taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iiman oo xaalad caafimaad u jiifa .

Gudoomiye Ciro ayaa taliye Fadal alleh uga bariyey inuu caafimaad sareec ah siiyo .

Xalaada caafimaad ee taliyaha ayaa ah mid ka soo reynaysa sidii hore .