Gareth Bale Oo Go’aamiyay Kooxda Uu Ku Biirayo Marka Uu Ka Tago Real Madrid




Gaterh Bale ayaa waqti xun ku qaadanaya Real Madrid, wuxuuna qorshaynayaa inuu ka tago dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Xiddiga reer Wales ayaa markii hore ku dhibanaa inuu boos joogto ah ka helo Real Madrid, laakiin haatan oo uu haysto boos joogto ah wuxuu ku dhibtoonayaa inuu kooxda ku hogaamiyo guulo.

Majalada Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Gareth Bale uu aqbalay inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Tottenham marka uu dhamaado xiliciyaareed kaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in go’aan kaan uu si fiican u hirgali doono haddii Bale ay is fahmi waayaan tababaraha badali doona Lopetegui.

Sidoo kale, kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa indhaha ku haaya saxiixa Gareth Bale.