“Farmaajo Waxa Uu Urursanayaa Dad Wax u Dila, Waxaanu Ku Tala Galay…..”Xil Mahad Salaad




Moqdisho (Ilays-News):- Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka hor yimid magacaabidii ugu danbeysay ee taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, siiba taliyaha sida rasmiga ah loogu magacaabay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ee Fahad Yasiin Xaaji.

“Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay inuu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo cadaadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, laakiin aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Wuxuu intaas ku daray in maahmaahda: RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA, isagoo farriintiisa ku yiri: “Dadka degan gobolkaan dagaal kaligii taliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay inuu maanta dib ugu laabto waa mid uu ugu talo galay..”

Shirka golaha wasiirrada ee shalay oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta.

Ilaysnews/Moqdisho Desk

Ilaysnews01@Gmail.com