Emre Can Oo Maanta Maraya Qaliin Dag Dag Ah




Laacibka qadka dhexe ee Juventus ayaa maanta maraya qaliin kadib xanuun ka soo wajahay dhanka qumanka.

24 jirkaan ayaa isniintii hore u safray dalkiisa Germany, waxaana halkaas lagu soo xaqiijiyay in laacibku uu u baahan yahay qaliin.

La Gazzetta dello Sport ayaa daaha ka qaaday in Emre Can uu maanta marayo qaliin aan xiriir la lahayn dhaawiciisa kaas oo looga saarayo qumanka.

Emre Can ayaa ka maqnaanaya kooxdiisa Juventus muddo u dhexeysa bil ilaa 2-bil sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya talyaaniga.