Deg Deg :- Qarax Xoogan Oo Iminka Ka Dhacay Magaalada Moqdisho




Moqdisho (Ilays-News):- War goor dhoweyd naga soo gaadhaya magaalada Moqdisho waxaa ay sheegayan in qarax xooggan uu ka dhacay Wadada Maka almukarama ee magaalada Muqdisho.

Wararka horudhaca ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaadhi  la dhigay wadada, gaar ahaan intabu dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Sayidka.

Qof goobjooge ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaadhi  lagu xiray waxyaabaha qarxa oo ah nuuca Soomaalida u taqaano gaadhi  ( Qooqan Ama Xaajiyad )

Illaa iyo hadda si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo xilli hore ay tahay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaadhay goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo xidhay wadada sida dad goobjoog ay sheegayaan.

Wadada Maka almukarama ayaa ah  wadada  ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxaa wadada adeegsada mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha iyo shacabka, waxaana wadadaas caan ku tahay ganacsiga

Ilaysnews/Moqdisho Desk