Hargeysa (Ilays-News):- Dawlada Somaliland ayaa dhawaan sheegtay inay Tartan kula galayso dalka Jabuuti sidii dalkeeda looga dhoofin lahaa Gaas-ta dabiciiga ah ee laga soo saaraayo dhulka Somaalida Itoobiya .
Wakaalada Wararka ee Bloomberg oo warkan baahisay ayaa sheegtay in codsiga Somaliland imaanyo kadib markii Itoobiya soo saartay Gaas-ta dabiiciga ah .
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa wakaaladan u sheegay inay Somaliland Gudbineyso dalab ah in dekadeeda laga dhoofiyo Gaastaas “ Maxaa diidaya in Gaaska Dabiiciga ah ee ee laga soo saaryo dhulka Ogaadeyniya la mariyo dekada Berbera “ ayuu yidhi Wasiirku
Sida ay wakaaladu sheegtay in kasta oo uu Jaamac sheegaayo in go,aankaas ay leedahay dawlada Itoobiya hadana waxaa uu intaas raaciyey inay xidhiidh la sameyn doonan shirkada Poly- GCL oo ah shirkada hawshaas gacanta ku haysa lagana leeyahay dalka China .
Gudoomiyaha Dekada Jabuuti Abuubakar Cumar Xadi ayaa dhankiisa sheegay in aanu la soconin dalabka Somaliland waxaana uu sheegay in dalkiisu mar hore heshiis ku saabsan arintan la galay Somaliland “ Ganacsigu waa Tartan “ ayuu yidhi