Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Wada Qorshe Ay Cashuuraha Ku Kordhineyso




Hargeysa (Ilays-News):- Duqa Magaaladda Hargeysa ayaa shaaciyay in ay wadaan Qorshe ku saabsan Cashuur Kordhin, ka dib markii sida uu sheegay cashuurta hadda ay ka qaadaan shacabka la jaan gooyey wakhti aad u sii horeysay.

Sidoo kale duqa ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin cabashooyinkii ka soo yeedhay qaar ka mid ah degmooyinka Hargeysa, waxaanu yidhi

“Xukuumaddana waxa aan doonaynaa in aanu sanadkan dhamaadkiisa u soo gudbino, cashuurahayaga waxa la sameeyay wakhti aad u horeeyay, guriga dhan ee uu cabbirkiisu yahay 24×18 waxa lagu cashuuraa oo laga qaadaa wax ka yar $24 dollar sanadkan dhan, dadkeenana waxa aad moodaa in wakhtigii lala dagaalamayay Siyaad Barre laga dhaadhiciyay Cashuur Ha bixinina, waxaanan leeyahay dadka si aanu wax u qabano cashuurta bixiya” ayuu yidhi Duqa Magaaladda Hargeysa.

Mar la waydiiyay halka uu ku danbeeyay Murankii ka taagnaa Qaar ka mid ah degmooyinka Magaaladda Hargeysa oo samaysay Mayoro waxa uu yidhi “Iminka Degmadda la sheeganayo ee Maxamuud Haybe waxa ku nool dhawr iyo sodon kun oo qof marka ay ugu yar tahay, 12 qof oo meel isugu yimid ma meteli karaan, dadka ay doorteen waa Xildhibaanada joogga ee Golaha Deegaanka, waana dad laab la kac ah, cid ka danbaysaana ay jirto, dadkanin waa da sharciga ku gefay iminkana maxakamada ayay sugayaan” ayuu yidhi Duqa Hargeysa oo u waramayay HCTV.