“ Dawlad Hilmaamtay Dantii Guud Kuna Hawlan Danta Gaarka ah..” W/Q Mukhtaar Mohamed Muse




Hargaysa waa magaalo weyn oo camiran, marka loo eego deegaanada ay Soomaalidu dagto,

magaaladan oo lagu qiyaaso inay ku nool yahiin malyuun qof ayaa ah mid adeegyada aasaaasiga

ah ay yahin kuwo liita. waxa ay markiiba indhahaagu qabanayaan in dhismayaasha,gaadiidka

noocyadiisa kala duwan iyo waxyaabo kale badan? ay sii tiro badanayaan, balse waxa si cad ugu

muuqanaaya qof kasta oo magaaladan isa soo dhextaaga in? la ilaabay dantii guud iyo

waxyaabhii ka dhaxeeyay dadka dhulkan ilaahay ku abuuray.

Waxa ay indhahaagu qabanayaan fooqaq dhaadheer oo aad loo qurxiyay oo wadada hormartaa

ay aad u burbursan tahay oo aan haysan biyo ku filan, cibitaalka guud ee magaaladu waa mid

adeegyadiisa? caafimaad iyo nadaafadiisuba ay aad u? liitaan, indhahaagu waxay qabnayaan

qashinka oo meelwalba tuulan dadkuna aanu dareensanayn.

Magaaladan Hargaysa ayaa ah mid dhismaysay tan iyo intii ay Somaliland ku dhawaaqday inay

dib ula soo noqotay dawladnimadii ka luntay, waxaanay dadku si tartiibtartiiba ah u bilaabeen

inay dhistaan ama horumariyaan waxyaabhii gaarka loo lahaa.

kacdoonka dhulkan ka baxay gacanatii dawlada ee galay gacanta dad gaar ah

 

Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland dhibaatada ugu badan ee dadku isku qabsadaa waa

dhulka. magalada hargiesa ee gobolka Maroodijeex ayaa haddaba markii ugu horeysay isqabsiga

dhulku sare u kacay waayo dhulku waa aafada ugu wayn ee ay dadku isku qabsadan waana shay

ay adag tahay soo afjaridiisu sidaana waxa sheegay gudomiyaha maxakamada sare mr aadan

xaaji cali sanadkii ina dhaafay

 

hadaba dhulkii Somaliland waxa uu gacanta u galay dad la leeyahay waa dad ganacsato ah oo

sida ay doonaan ugu tagrifalay una isticmaalay una adeegsada habka ay doonaan waayo waxa ay

waayeen dawlada ku gaadh garaysa oo ku daba joogta kuna ilaalisa xeerarka iyo shuruucda dlkan

u yaala kana soo saarta qawaaniin adag oo lagu yaraynayo lahaanshaha sida dhibta ayar layskaga

sheeganayo dhulkii ummadaha ka dhexeeyay.

 

dhulkii dawlada ay masuulka ka ahayd waxa uu gacanta u galay dad gaar ah oo ku magacaaban

ganacsato dhiig miirato ah oo aan u danaynayn umadooda iyo dan yartoda toona kaliyaata

yaqaana uun sida loo macaasho lacag badana loo shaqaysto bangi xisaabeedkana loo buuxsado

lkn waxa meesha ka maqan doorkii dawlada ku lahayd maamulka dhulka iyo hagaajintiisa waayo

dawlada iyada ayaa uga masuul ah shacabkeeda waliba xeer baa sheegayaa qaabka ay dawlada

dhulka u maamulayso una maaraynayso.

 

dawladu iyada ayaa dhullka masuul ka ah qof kasta oo da diisu gaadho 18 jirna ay tahay inay

siiso dhul uyu dego oo u dhisto isla markaana haddiii uu ku dhisan waayo muddo kooban oo aan

ka badnayn sanad way kala wareegaysaa dawladu qofkaa hadaba su aashu waxay tahay dawladu

qofkasta oo muwaadin ah ma siisaa dhulkii uu xaqa u lahaa jawabtu waa maya waayo waxba

agacanta uguma jiraan ee waxay gacanta ugu jiraan dad gaara maahmaah (somaliyeed aya

tidhahda maxay leeftaa maba lulatee).

 

hdaba waxan ka baqayaa inuu dhulku kacdoon inagu noqdo ama uu dhib inagu abuuro oo uu

keeno qalalaase iyo amni daro guud ahan saamaysa dalka waayo dhulku waa tiir adag oo ay

ahayd inuu gacanta dawlada ku jiro si ay dawldu umada dhex ugu hayso dhulka qaybintiisa ,

iibintiisa , qiimihiisa, kirayntiisa waayo iminka mark la eego qiimihiisu waxa uu marayaa

meeshii ugu saraysay oo aanay goayn Karin dadka danyarta ahi sidoo kalena kirayntiisa ayaa

iyaduna xadka ka baxday oo gaadhay meeshii ugu saraysay oo aaanay kiraysan karayn ba dadkii

dan yartaa ahaaa .

 

ugu danbayn haddii dhulka lagu soo celin waayo qaabkii saxdaa ahaa ee ay dawladu awooda

akahayd waxa ka dhalan doona cawaaqib xumo baahsan oo oo saamayn xun ku yeelata dalka

somalliland iyo dadkeeda gaar ahan dad ka dan yarta ah iyo dhalinyarada shaqo la,aantu hayso .

 

W/Qoray: Mukhtaar Mohamed Muse, Master of Candidate for Project and Planning

Management