“ Danjire Nimaddu Maaha Shaqo Lagu Maamulo Macaash Iyo Cadho Shaqsiyadeed……” Q/A “ AMB : Abdirizak Diinaari




Muddo waxa socdey qoraalo iyo dhaliilo u marinayey saaxafadda wakiilki hore somaliland dowladda Emaratka. Waxaase ka jawaabtey Wasaradda Arimaha dibadda Somaliland. Iyadoo ka bixisey raali galin. Hadaba qofka masuul looga dhigo waddan waxa fiican inuu akhriyo qawaniinta iyo xeerarka calamiga ee diplomasiyadeed. Hadii uu wax saluugo waxa ku filan inuu xukumadisa usoo gudbiyo.

Taaso ey markaas dowladda u taalo sidey uga fal-celiso. Hadeerse waxey u muuqata inuu wakiilku u qaatey inuu xisbigii waddani dhaliilayo. Taasa Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland khasab kaga dhigtey inay ka jawaabto. Xogaha aan loo dirsan ee uu ku wareeray Dowladda Emaratka.

Markaan u kuugalley, waxa sababey, Waxa jirtey markii ugu horeysey ee uu Madaxweyne Muuse Biixi magaaceyba waxa ey dowladda Emaratku saluugtey iyadoo u arkeysey in xidhiidhkii diplomasiyadeed ey Somaliland hoos u dhigtey madaama ey usoo magacowddey, Waakiil aan khibradd diplomasiyadeed iyo mida aqoonteeda ah toona laheyn. Waxa markiiba Madaxweyne Muuse biixi dowladda Emaratku ku wargalisey safarkiisii uu ku tagey dalka Emaratka ee uu magacaabey wakiilkan cusub Mudane Cabsiye inuu ka bedelo.

Waayo markaba qofka (Background Check) baa dowlaha loo magacaaba ku sameeyaan. Shaqadiisa, Waayo aragnimadiisa, Aqoontiisa, Shaqsiyadiisa-dhaqan. Waayo waxa ku dedalaan iney garan karaan qofka loo soo magacaabey heerke bey gaadhsiisan tahey waayo aragnimadiisa maamulka dowladeed. Feker ahaan maxuu aminsan yahey siyaasadaha dunidda ka socda.

Waayo waxa ku dedalaan iney garan karaan qofka loo soo magacaabey heerke bey gaadhsiisan tahey waayo aragnimadiisa maamulka dowladeed. waxey kaloo eegaan haduu ey jirto inuu ururo ka tirsan yahey.

Sidda kuwo siyasadeed ama diimeed. marka saluugu wajiyo badan buu yeelan karaa. Hadaad akhriddo buwaagta ey qoreen diplomasiyiintu waxbadan baa ogaaneysa. Sidda buuga #Ambassador_Qeybe_Ama_Ambassador_Cawil markaan ka helo Somalidda.

Madaxweyne Muuse wuu aqballey, markiiba balse waqti buu qaatey isagoo raba in aan shacabku dareemin degdega u magacaabey misna xilka uga qaadey. Akhirkii wuu bedeley, Sidaas darteed Mudane cabsiiye dowladii Emaratka ee diidey ayu cadaawad u qaatey isagoo u arkey iney aqoontiisa iyo shaqadiisa saluugeen karamadiisii qof-ahaaneedna meel kaga dhaceen.

Taasi waxey keentey inuu ku weeraro baraha bulshadda. Waxa markaa nasiib daro ah. Dagaal diplomasiyadeed oo aan dowladaaddu kula waddin kuma qaadi kartid dal shiisheye iskaba daa mid lagugu direy inaad ka shaqeyso waanaajinta xidhiidhka labadda dal.

Waxaan u arkaa iney ka hoostey, isaguna aanku ka firsan sumcadd xumadda shaqsiyadeed ee uu ku kasbaddey, waxey cadeyneysa xukumadda danbe iyo maamul danbe in aanu shaqo qaran u dirsan karin. Madaama uu awoodi kari wayay inuu xakameeyo cadhadiisa shaqsiyadeed ee dhex martey isaga iyo maamulka shaqalaha Bisha cass oo hoos taga xafiska (Nabimka) Khalifa Foundation oo ku xidhan Abu-Dhabi-Fund.

Dhaqanka carabtu waa mid aad uga duwan calaamka, sharciyada waxa ka sareysa garashadda waa halka ey kaga maahmaahan. (Al-wasta fowqal-qanun) Sidaas darteed dhamaan hay’addahooda dowliga ah iyo kuwoodda kheyriga ah aad bey ugu kalsoon yihin dadka ka shaqeeya.

Marka masuuliyadda kowaad waxey ku fareysa markaad tahey Manduub waddan loo magacaabey oo waliba ku cusub shaqadda. Inaad dhamaan dalkaa dadka ku nool iyo madaxdiisa soo dhoweysato oo xidhiidh dhow layeelato.

Macaal hadii aad aragto in xidhiidhkaaga shaqsiyadeed la saluugsan yahey, waxa haboon inaad gasho xodxodasho diploasiyadeed. kooxaha ku saluugsan aad u adeegsato kuwa xidhiidhka fiicani idinka dhaxeeyo. Waxa kale oo meesha ku jirta inta xidhiidhkaagu ku adkaanayo dalka aad wakiilka ka tahey in aanad markaba weerar ku qaadin shaqaddii ka horeysey cidii gacanta ku heysey.

Markaa aad u dhaqanto si degan oo waayo aragnimo ku jirto, adigoo waxwalba la socda waxaad helleysa awood aad wax ku bedeli karto kuna sii shaqeyn karto. Dalkaasna ku yeelan karto saxiibo xoogan oo ilaa heer Madaxtoyada dalkaas looga taliyo gaadhsiisan.

Sababta keenta in dowladaha caalamku 4 sanoba ka bedelaan safiiradda waddamada ey u dirsadaan waxa weyee nuxurkeedu in aanu wadankaas ku dhex milmin. Balse uu intaas kushaqeeyo (mutual interest and mutual respect) labadaba dhinacba inuu shaqo wanaagsan tuso.

Dalkiisana an loo adeegsan dowladaasuna u arag cadow ama qof labadda dal xidhiidhkooda xumeynaya. Waxaan ku soo koobaya, wey dhib badan tahey markaad cusub tahey shaqadda noocani, waxeyna u bahan tahey inaad dadka dhageysato, aqoonteeda korodhsato, saxiibadadda kaga horeeyey xidiidh fiican la yeelato. Shaqalaha wasaaradda la tashato.

Diplomasiyiintii waaweyna raadsato waxbadan akhrido. Hadiise aad u aragto in dowladda ku soo dirsatey madaxdeeda aad kalsooni buuxda macaal ka keysato, balse waddanka lagu direy aanu ku rabin shaqadaadu socon meyso. aakhirkana waxaad noqoneysa shaqsi, marka labada dowladood danaha ey kala-leeyahiin la eego. Adiga uun baa tegayaa.

Isku soo wadda duubo,  Waxaan uga digayaa dhamaan dadka shaqooyinka noocan oo kale ah xukumadda maanta joogta u dirsato iney ku dedaalan iney sihufan qaranka ugu shaqeyaan.

Kuna dedalaan iney fahmaan shaqadda loo dirsatey iney tahey isku soo dhoweyn labadda dowladood iyo Hay’adaha ka shaqeeya. Waxyabaha qaarkood waxey sababeysa in dalkaaga aqoonyahankiisa loo arko dad aan bilseyn oo aan fahamsaneyn shaqadda diplomasiyadda caalamka.

Waan ku hambalyeynaa talabadda ey qaadey wasaradda arimaha dibaddu kuna saxddey khaladkii dhacey, Waliba waxa ka fiicneyd inuu Madaxweynuhu diro warqadd (official) diro oo kaga raali galinayo dowladda Emaratka dhacdan. waxyaba calaamka ugu khatarsan waa qoraaladda diplomasiyiinta calaamku ku qoraan saxaafadda.

Waxey keenta dhaawac weyn oo sababa iney abuuri karaan dagaalo labadda dal dhexmara. Markaa qofku markuu shaqadda ka tago kuma degdego inuu soo bandhigo warar aan xaqiiqdoodu sugneyn oo aan dowladiisuna kula socon.

Waa Bilaahi Towfiiq.  

#Ambasador_Abdirizak_Diinaari