Dalka Suuriya Oo Ay Kusoo Noqdeen Qaxoonti Tiro Badani.




Kumanaan kun oo qaxoontiga reer Suuriya ah ayaa bilaabay inay ku noqdaan dalkoodii saacaddihii ugu dambeeyey , iyaga oo kasoo talaabaaya xuduudka dalkasi la wadaago dalalka Lubnaan iyo  Urdun.

Sida lagu baahiyey warbaahinta Ruusiya Todhay  waxa dalkaasi ilaa hadda ku noqday ilaa  kun boqol iyo kow iyo soddon qof (1031) , qaxoontiga dib uga  noqonaaya dalka Lubnaan ayaa  55  kamid ahi yihiin dumar, halka ay 95 kalena carruur yihiin.

Sidoo kale magaalooyinka  Yabus iyo Talkhalkh  oo ku taala xuduudka ay Suuriya la wadaato dalka Lubnan ayay kasoo gudbeen galabta 253 haween ah  iyo 431 carruur ahi, kuwaas oo ku jiray xeryo qaxoonti oo halkaasi ku yaala.

Dhanka kalena Injineero u dhashay dalalka Suuriya iyo Ruushka ayaa bilaabay in  ay dib u dhisaan guryihii iyo goobihii danta guud ee ku burburay dagaaladdii ka dhacay wadanka Suuriya , gaar ahaana magalaadda Xalab ayay  Injineeraddaasi maanta gaadhey .

Dhanka kalena Ciidamada Suuriya iyo xulafadooda ayaa Miino saaris ka bilaabay magaalooyinka Ximis ,Suweydaa iyo Qanaydaydara ee dalka Suuriya , iyaga oo ilaa hadda  nadiifiyey dhul gaadhaaya  10.6 Hektar  iyo 4 Km oo Wadooyin ah , kuwaas oo laga saaray 62 Miino  .