Ciyaaruhu Yey Ina Dhaxalsiinn Qabyaalad.




Dhamaadka bisha October ee sanadkan 2020-ka somaliland,waxaa ka qorsheysan,qabashadda tartanka ciyaaraha goboladda somaliland,kaas oo noqonaya tartankii 8-aad,waxaanu isagu jiraa tartamadda kubadda cagta,kubadda koleyga iyo orodda,waxaa ku loolamaya 14 gobol oo jamhuuriyadda somaliland,ka kooban tahay,kuwaas oo kala ah Maroodi-jeex,Togdheer,Awdal,Sanaag,Saaxil,Sool,Buuhoodle,Daad-Madheedh,Hawd,Badhan,Xaysimo,Gabiley,Salaal iyo Saraar.

Ciyaaraha somaliland muddooyinkii u danbeeyay,waxay ku talaabsadeen,horumar aan la dafiri karin oo la jaanqaadaya ciyaaraha caalamka sida tabinta tooska ah iyo farsamada loo agaasimo qabashada ciyaaraha dalka oo uu igu weyn yahay koobabka ciyaraaha goboladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ciyaaruhu waa is dhex galka bulshadda iyo horumarinta da’yarta,waana muraayadda laga dheehdo horumarka bulsho iyo mid qaranba. Somaliland marka ay ciyaaruhu ka socdaan guud ahaanba waxaa laga nastaa muranka siyaasiga ah iyo afkaarta lagu kala aragtidda duwan yahay ee bulshadda. sida qabyaaladda xisbiyadda iyo qiimeynta mansabka siyaasiga ah ee goleyaasha qaran ee sadexda ah Fulinta(Xukuumadda),Sharci-dajinta iyo Garsoorka,baddi dadweynuhu waxay ku mashquulaan natiijooyinka ciyaruhu hadba halkey marayaan iyo taageeradoodu gobolkey tahay,waxa ugu badan ee la iska wareystaana waxay noqotaa ciyaaraha dalka ka socda iyo cidda guusha loo filayo.

Iyadoo ciyaaruhu yihiin is dhexgalka bulshadda iyo isfahanka shacabka ayaa hadda waxaa isa soo taraya hanaanka bulshadu u taageerayaan goboladda qaab qabiil, adigoo arkayay in qofkastaa gobolka uu ka soo jeeddo deegaan ahaan uu taageero naf bax ah u yahay,taas oo marag ay u tahay fariimaha la isku weydaarsanayo baraha ay bulshadu ku kulanto ee loo yaqaano “Social Media” waxaad arkeysaa dadweynihii oo xoojinaya qabyaalada,hannan kale oo casri ah oo qabiilku ku xoogeystey ay noqotey, kala taageeridda goboladda ciyaarta ku hirdamaya.

Waxaan bulshadda lee yahay ciyaaruhu yey inaga noqon qabyaalad iyo wax ina kala fogeeyay balse ha noqoto waxa shacabka isku soo jiida iskuna soo dhaweeyay,qofkastaa ha taageero gobolka uu ciyaartiisa ka helo.

Ciyaaruhu qabyaalad ma aha ee waa is dhexgal bulsho…

Qalinkii: Ridwaan Caydiid Ismaaciil ‘AkiiD’

Email: akiid14@gmail.com ama ridwaanakiid@gmail.com