Ciyaarihii Gobalada Somaliland Oo Berri Ka Bilaabmi Doonta Hargeysa + [ Shacabka Reer Axmed Dhagax Oo Ka Maqan…….. ]




Hargeysa (Ilays-News):- Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland  waxaa maalinta berri ah si rasmi ah uga  bilaabmi doona koobkii gobaladii Somaliland  , waxaana la filayaa inay ay furan masuulyiinta ugu sareysa xukuumada madaxweyne Biixi .

Koobkan ayaa noqon doona kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay qabatey xukuumada madaxweyne Biixi oo talada haysay muddo saddex sano ah

Waxaa ay  ciyaarahani ka qabsoomi doona garoonka kubada cagta ee magaalada Hargeysa oo ku yaala xafada Axmed Dhagax .

Waxaa xusid mudan in shacabka reer Axmed dhagax ay ka maqan yahiin guud ahaan-ba xilalka ugu sareeya gobalka Maroodi Jeex iyo degamada Hargeysa , taas oo wax badan ka caawin laheyd amniga garoonka , maadama oo  xamaasada ciyaaruhu ay tahay mid aad u sareysa .