“Cilmaaniyadda Cidna Ma Aysan Dilin….” Madaxweynaha Faransiiska




Hadal kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo uu ku difaacayay mabaadii’da ku saleysan cilmaaniyadda ayaa dood ka dhex dhaliyay dad carab ah iyo dad kasoo jeedo Faransiiska kuwaas oo isticmaala baraha bulshada.

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay “Cilmaaniyadda Faransiiska cidna ma aysan dilin” , hadalkaas ayaa u muuqda mid uu uga jawaabayo dhaleeceeynta loo jeediyay dowladdiisa kaddib hadalkii uu madaxweynaha ka sheegay Islaamka iyo muslimiinta kaddib markii dib loo daabacay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed.