” Ciidamadeenna looma qabsan doono weerarkii Kabul..” Mareykanka




Saraakiisha militariga Maraykanka ayaa sheegay in aan cid ka tirsan ciidamadooda wax eed ah laga saarayn weerarkii diyaaad aan duuliye lahayn ay 10 qof oo rayid ah ku dishay dalka Afghanistan maalimihii ugu dambeeyey ee Maraykanku dalkaas ka baxayey. Gantaalkaas ay ridday diyaaraddaasi ayaa la rumaysan yahay inuu ahaa kii ugu dambeeyey ee ciidamadiisu ku ridaan Afghanistan muddadii labaatanka sano ahayd ee ay dagaalka halkaas ka wadeen.

Weerarkan ayaa dhacay labo todobaad kadib markii Kabul ay gacanta u gashay Taliban, saddex maalmood ka dibna ku dhowaad 170 qof – oo ay ku jiraan 13 askari Mareykan ah – ayaa lagu dilay weerar uu fuliyay qof is qarxiyay.

Iyada oo uu waqtigu gabaabsi ahaa oo la doonayay in la dhammaystiro daabulildda iyo ka bixitaankii ciidamada ajaanibta ah ayay saraakiiishu heleen xog sirdoon oo tibaaxaysay in baabuur dhex marayay caasimadda Afgaanistaan uu xidhiidh la leeyahay kooxda IS oo sheegatay weerarka lagu hoobtay ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Kaabuul oo xilligaasi aad u mashquul-badnaa.

Hase yeeshee ka dib weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa ku naf waayay dhammaan dadkii saarnaa gaariga ay bartilmaameedsadeen.

Waxaana markii dambe la ogaaday in gaariga uu saarnaa nin reer Afghanistan oo u shaqeynayay hay’ad gargaar oo Mareykan ah iyo sagaal qof oo kale oo rayid ahaa oo ay ku jiraan toddobo carruur ah.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in dib u eegis rasmi ah ay ku talisay si loogu adeegsado habab cusub oo la xiriira weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, laakiin ma aysan jirin cid la sheegay in loo ciqaabayo dhacdada.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka – oo la yirahdo John Kirby – ayaa sheegay in cadeymaha ay muujinayaan inaysan jirin wax dayacaad, anshax xumo ama hoggaan xumo ah oo ka timaaday dhanka kooxdii fulisay weerarka.