Boqortooyada Sucuudiga Oo Maanta Su’aalo La Weydiin Doona




London (Ilays-News):-  Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in maanta magaalada Geneva ay guddi Qaramada Midoobay ah hortiisa ku difaaci doonto heerkeeda xuquuqda aadanaha.

Kulanka dib u geesta oo ah mid joogta ah ayaa waxaa qasab ah in dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay soo gudbiyaan herkooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo afartii sanaba mar la baaro.

Hasayeeshee dib u eegistan Sucuudiga ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalkiisa loo soo jeediyay dhaleecayn caalami oo ku aaddan dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, iyo dagaalka ay ka waddo dalka Yemen.

Guddiga Qaramada Midoobay ayaa inta ay socoto dib u eegista waxa uu sidoo kale eegi doonaa xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalalka Shiinaha, Nigeria, Mexico iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Sucuudi Carabiya waxa ay filan kartaa in la weydiyo su’aalo adag, xitaa ka hor dilka Jamaal Khaashuqji, ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka dhigay in xukumadda Riyaad ay iska dhaga tiraysay talooyinka Qaramada Midoobay ay soo jeedisay ee ahaa inay soo afjarto ciqaabta iyo jirdilka maxaabiista loogu geysanayo xabsiyada, inay ogolaato mucaarad siyaasadeed oo si nabad ah ku howlgala iyo in sare u qaado xuquuqda haweenka.